Wednesday, May 21, 2025
HomeAll NewsKulamo Ka Dhan ah Xasan Sheekh oo Nairobi Uga Socda Maamul Goboleedyada...

Kulamo Ka Dhan ah Xasan Sheekh oo Nairobi Uga Socda Maamul Goboleedyada Qaar iyo Siyaasiyiin.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya kusii qulqulayay, qaar kamid ah madaxda maamul gobaleedyada, xildhibaanno iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowladda Fedaraalka.

Dhinacyadaan ayaa waxa ay yeelanayaan kulamo kala duwan oo ay kaga soo horjeedaan Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, iyo sida uu u maareynayo arrimaha siyaasadeed ee kala dhaxeeya dhinacyadaan.

Madaxda maamul goableedyada ee qeybta ka ah kulamadaan ayaa waxaa ay kala yihiin Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland, iyo Saciid Dani oo ah hogaamiyaha maamulka isku magacaabay Puntland, kuwaas oo labaduba ay khilaafyo siyaasadeed kala dhaxeeyaan Dowladda Fedaraalka.

Xogaha ayaa intaasi ku daraya in maalmaha soo socda ay dhinacyadaan soo saari doonaan go’aanno ka dhan ah qaabka uu wax ku wado Xasan Sheekh.

Halkan ka Degso Xogta.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.