Friday, May 23, 2025
HomeAll NewsFaracyada Al-Qaacida ee Yeman iyo Saaxilka Afrika oo Fuliyay Weeraro Khasaare Dhaliyay.

Faracyada Al-Qaacida ee Yeman iyo Saaxilka Afrika oo Fuliyay Weeraro Khasaare Dhaliyay.

Jamaacaadka Jihaadiga ah ee hoostaga Urur Waynaha Al-Qaacida ee ka hawgalada wadamada Yaman iyo Saaxilka Afrika ayaa qaaday hagallo jihaadi ah oo lagu dilay askar ka kala tirsan ciidamada dalalkaas, waxaana askarta lagu dilay weeraradaas qayb ka ahaa Murtazaqada Fagnar ee duulaanka ku jooga wadamada galbeedka Afrika.

Ciidamada Mujaahidiinta ee Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ee ka hawlgala dalka Yaman ayaa fuliyay weerar qorsheysan oo ka dhan ahaa ciidamada loo yaqaan Xizaamul Amni ee uu taakuleeyo Imaaraadka Carabta. Weerarkan oo ka dhacay degaanka Waadi Camraan ayaa lagu bilaabay toogasho, isla markaana waxaa xigay  duqeymo ay fuliyeen diyaarado aan duuliyaha lahayn oo ay hagayeen ciidamada mujaahidiinta ee Ansaaru Shariicah.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ay mujaahidiintu baahiyeen, weerarkaas ayaa sababay dhimashada mid ka mid ah askarta uu tababaro Imaaraatka Carabta, halka laba kale ay ku dhaawacmeen. Hawgalkan ayaa sigaara uga dhacay goob lagu magacaabo Al-Kasaara oo ah bar ciidan oo istiraatiiji ah oo ay askarta la beegsaday ku leeyihiin saldhigyo waawayn.

Dhanka kale, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa iska caabin xooggan kala hortagay weerar ay askarta dowladda Burkiina-Faaso ku soo qaadeen deegaanka Totwo, oo ku yaalla gobolka Wahiiquya, Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay mujaahidiinta oo ay haabisay warbaahinta Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, iska caabintan ayaana dhacday shalay Talaadadii.

Isla dalka Burkiina-Faaso ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar abaabulan habeenimadii Talaadada ku qaaday askar ka tirsan milatariga dalkaas oo ku sugnaa duleedka magaalada Jaablii, ciidmada la weeraray ayaa la gaarsiiyay dharbaaxo culus, waxayna goobta lagu fara saaray kaga carareen saanad ciidan oo ay soo furteen jihaadiyiinta.

Geesta kale, guutooyinka mujaahidiinta ee ka tirsan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee ka hawgala dalka Maali ayaa maalinimadii Isniinta kamiin qorshaysan u dhigay askar katirsan ciidamada dalkaas oo galbinayay saraakiil sare oo katirsan murtazaqada Fagnar ee hoostaga dawladda Ruushka, kuwaas oo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kamiinka, waxaana halkaas lagu dilay tiro askar ah,

Weerarkan dhabo-galka ah ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa magaalooyinka Dabiirii iyo Dawiinatzaa oo kawada tirsan dalka Maali, sid uu sheegay garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Isla dalka Maali ciidmada mujaahiidiinta ayaa gabi ahaanba la wareegay saldhig askarta dalkaas ugu yaallay tuulada Dayuubaa ee qaybta ka ah gobolka Kuuliikuuruu. Sidoo kale ciidamada mujaahidiinta ayaa weerar qorshaysan ku qaaday Sadex kaantarool oo ku kala yaallay afaafka hore ee wadooyinka laga galo magaalada Dajaabulii ee ka tirsan gobalka Siiquu.

Waxaa xusid mudan in hawgaladan ay kusoo beegmayaan xili wadamada saaxilka Afrika laga dareemayo isbadallo siyaasadeed oo waawayn, gaar ahaan dalka Maali oo maalmahan ugu dambaysay marti galinayay mudaharaadyo ay dadwaynuhu kaga soo hor jeedeen xukuumada dalkaas ee xilfiga la ah Murtazaqada hoostagta Ruushka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.