Waxaa marba marka ka dambeysa isa soo taraya walaaca ay xubnaha mucaaradka ka muujinayaan, xaaladda siyaasadeed ee dhex muquuraneyso Dowladda Fedaraalka, tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Xasan Sheekh ku dhawaaqday xisbi uu isago hogaan ka yahay
Xasan Cali Kheyre oo ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu si adag uga soo horjeestay, qorshaha ay Xasan Sheekh iyo xubnaha taabacsan ku doonayaan iney ku qabsaan doorasho iyaga u gaar ah.
Waxa uu Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay inuu yahay nin khilaaf ka dhex abuuraya Dowladda Fedaraalka, islamarkaana aan usoo jeedin inuu wax uqabto dalka.
Geesta kale waxa uu Xasan Cali Kheyre sheegay inuu walaac xooggan ka qabo xaaladda ay maanta ku sugan tahay Dowladda Fedaraalka, taaas oo uu tilmaamay iney siyaasad ahaan uburburtay.