Friday, May 23, 2025
HomeAll NewsMuxuu Yahay Hishiishka Sirdoon ee uu Maamulka Aala-Sucuud la Galay Dowladda Fedaraalka?

Muxuu Yahay Hishiishka Sirdoon ee uu Maamulka Aala-Sucuud la Galay Dowladda Fedaraalka?[WARBIXIN]

Maamulka Aala-Sucuud ee ka arrimiya dhulka Xarameynka ayaa si rasmi ah u ansixiyay, heshiis iskaashi ami ah oo uu la galay hey’adda Sirdoonka ee Dowladda Fedaraalka.

Kulan ay magaalada Jiddah ku yeesheen golaha wasiiradda ee maamulkaan islamarkaana uu shir gudoominayay Salmaan Bin Cabdil Caziiz oo ah ninka heysta talada maamulka Aalaa-Sucuud, ayaa waxa ay ku ansixiyeen heshiiska ay la galeen Sirodonka Dowladda Fedaraalka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Sucuudiga.

Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen iney si wada jir ah isaga kaashadaan la dagalaanka waxa loogu yeero “Argagixisada” oo micnaheedu yahay dagaalka ka dhanka ah Muslimiinta.

Arrimaha ay labada dhinac isla qaateen islamarkaana ay qalinka ku duugeen ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, la dagalaanka waxa loogu yeero maalgalinta “Argagixisada” oo iyaduna ujeedada ka dambeysa ay tahay boobka hantida Muslimiinta.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa kaalin muuqata ka qaadanaya dagaallada ay Dowladaha Shisheeye ee uu ugu horreeyo Mareykanka ka wadaan dalalka Muslimiinta, waxaana ay dowladdaan ku lug leedahay xadgudubyo badan oo ka dhacay dalalkaaas.

Xagga Sirdoonka, waxa uu maamulka Aala-Sucuud dhibaato ba’an ku hayaan Muslimiinta ku dhaqan dhulka uu ka arrimiyo, isagoona kala dagaallama dhammaan madaahirta diinta Islaamka, halka qofkii ay ku arkaan inuu diigntiisa ku dhagan yahayna xabsiga utaxaabaan.

Dhawaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqasho ku tagay Sucuudiga, isagoona halkaasi ka helay deeq bilaash ah oo ku dhaw 1 Trillion oo Doollar, xilli uu maamulka Aala-Sucuud kaalmaha hore kaga jira nidaamyada Carbeed ee ka qeyb qaadanaya duullaanka Yahuudda iyo gaajeysiinta lagu hayo Muslimiinta Qazza, waxaana deeqda ay ugu yabooheen Trump durbaba laga dareemay Marinka Qazza, kadib markii maamulka Yahuudda uu maalmihii lasoo dhaafay kordhiyay duqeymaha wuxuushnimada ah ee uu ka geysanayo halkaas.

Halkaan ka Degso Warka Hishiiska

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.