Wadamada galbeedka Afrika ayaa wajahaya guluf dagaaleed xooggan oo ay wadaan Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, dagaaladan ayaana gabi ahaanba wiiqay awoodii askarta dalalkaas, kuwaas oo ku tiirsanaa garab istaaga dawladdo shisheeye oo ay kamid yihiin ciidamada murtazaqada ah ee Fagnar oo si dadban u hoos taga wasaarada difaaca ee Ruushka.
Ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin ayaa maalinimadii shalay, qaaday weerarro culus oo iskugu jiray qaraxyo iyo dagaallo fool ka fool ah, kuwaas oo lala beegsaday kolonyo askar ah iyo saldhigyo ciidan oo ay leeyihiin ciidamada Burkiina-Faaso. Weeraradan ayaa ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan wadamada Maali iyo Burkiina-Faaso.
Fiidnimadii Arbacada, ciidamada mujaahidiinta ayaa si gaar ah u beegsaday gaari dagaal oo ay wateen murazaqada Fagnar, kaas oo marayay deegaanka Nasafa ee galbeedka degmada Muuluudu ee ka tirsan gobolka Siiquu ee dalka Maali. Qarax xoogan oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa lala helay gaariga ay wateen ciidamadaas, wuxuuna sababay khasaare xoog leh oo gaaray ciidamada Fagnar, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay qaraxaas ayaa hadana weerarkan waxa uu muujinayaa in mujaahidiintu ay si gaar ah u bartilmaameedsanayaan ciidamada shisheeye ee duulaanka ku jooga wadamada saaxilka.
Isla galabnimadii Arbacada, dagaal kale ayaa ka dhacay gudaha dalka Burkiina-Faaso, gaar ahaan deegaanka Yuuladii ee dalkaas. Ciidamada muujaahidiinta ayaana la wareegay saldhig ciidan oo ay horey ugu sugnaayeen milatariga Burkiina-Faaso iyo maleeshiyaad maxali ah oo taageera dawladda. Dagaalkan ayaa socday saacado kooban, ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaana gacanta ku dhigay inta badan hubkii ay wateen askarta la weeraray, kaddib markii ay isaga firxadeen difaacyadii ay xerada kaga sugnaayeen.
Dhinaca kale, warar dheeraad ah oo kasoo baxay garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ee Az-Zallaaqah ayaa sidoo kale lagu xusay, weerarro hor leh oo ay fuliyeen ciidamada mujaahdiita. Maalinimadii Axadda ee ina dhaaftay Jihaadiyiinta ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla tuullo ka tirsan gobolka Kayaa. Weerarkaas ayaa lagusoo furtay saanad ciidan oo ay ku qalabaynaayeen askarta dalka Burkiina-Faaso.
Sidoo kale, hawgall balaaran oo Talaadadii ina dhaaftay ka dhacay duleedka magaalada Towo ee gobolka Wahiquuyaa ayaa lagu dilay Shan askari oo ka tirsanaa ciidamada Burkiina-Faaso, halka askari kale oo ka tirsanaa ciidamada la weerarayna lasoo qabtay isaga oo maxbuus ah.
Dhamaan weeraradan ayaa muujinaya dardar galinta hawgalada jihaadiga ah ee ay hormuudka ka yihiin ciidamada muujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul-Islaam Wal-Muslimiin, kaas oo ay kula jiraan ciidamada maxalliga ah iyo kuwa shisheeye ee ku sugan gobolka Saaxilka. Qabsashada saldhigyo ciidan oo dhamaystiran, dilalka qorshaysan iyo qaraxyada lagu beegsanayo ciidamada shisheeye, ayaa muujinaysa istiraatiijiyad dagaal oo saamayn wayn ku yeelatay guud ahaan gobolka Saaxilka.