Friday, May 23, 2025
HomeAll NewsDalka Koonfurta Suudaan oo Qarka u Saaran Burbur Dhaqaale.

Dalka Koonfurta Suudaan oo Qarka u Saaran Burbur Dhaqaale.

Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa wajahaysa khatar aad u weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah, kaddib markii militariga dalka Suudaan uu ku hanjabay in uu joojin doono adeegga dhoofinta shidaalka ee mara dakadda Boort-Suudaan. Hanjabaaddan ayaa timid iyadoo ay duqaymo culus ka socdaan dakada Boort-Suudaan, halkaasi oo ah dakada laga dhoofiyo shidaalka lagasoo saaro Koonfurta Suudaan.

Suudaan ayaa hadda ku jirta dagaal sokeeye oo dhex maraya ciidamada militariga iyo kooxda hubeysan ee RSF, waxuuna dagaalkaasi si toos ah u saameeyay dhaqaalaha Koonfurta Suudaan, maadaama ay si buuxda ugu tiirsan yihiin dakhliga kasoo baxa shidaalka loo iib-geeyo caalamka.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaana laga dareemayaa cabsi xooggan oo soo food saartay dadka ku dhaqan dalkaas, taas oo khalkhal dhaqaale galisay guud ahaan ganacsiyada dalka, maadama shiidaalku yahay laf dhabarta dakhliga ay dawladdu ku shaqayso.

Xaaladan ayaa ciriiri galisay nolosha Malaayiin qof oo ku kala nool magaalooyinka waawayn ee Koonfurta Suudaan, sida caasimada dalkaas ee Juba,  talaabadan ayayna mas’uuliyiin u hadlay xukumada Juba ku cadeeyeen inay tahay dhabar-jab wayn aysana haynin badiil kale oo u fududayn kara dhoofinta shiidaalka, taasina ay keeni karto in dhamaan la xiro xarumaha shiidaalka lagasoo saaro ee koonfurta Suudaan.

Cunaqabataynta ay ku dhawaaqaday dawladda Suudaan ee lagu xakamaynayo shiidaalka laga dhoofiyo dakadaha Suudaan ayaa kusoo beegmay, iyada oo kooxda RSF ay duqaymo culus ku garaaceen kaydadkii shidaalka ee dakadda Boort-Suudaan, taas oo dhaawac gaarsiisay shaqadii dakadda. Militariga Suudaan ayaana ku dhaqaaway, in xaaladdan ay si weyn u saameynayso suurtagalnimada sii wadidda dhoofinta shidaalka ee Koonfurta Suudaan.

Arrintan ayaa timi iyada oo ay Dawladda Suudaan horay u sheegtay, warar la xiriira in dawladda Koonfurta Suudaan ay xiriir dhow la leedahay maleeshiyaadka Taageeradda Dagdagga ah, kuwaas oo dhulka la simay inta badan kaabaashii dhaqaalaha ee dalka Suudaan. Dhacdadan ayaana loo arkaa ka hortag ay xukumada Suudaan ku samaynayso taakulada milatari ee ay kooxda RSF ka hesho dawladaha dariska, iyada oo ay Suudaan sidan oo kale xanibaad u saartay dawladda Keenya, kaddib markii ay dalkeeda ku marti galisay kooxaha mucaaradka ku ah maamulka Cabdifataax Al-Burhaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.