Diiradda Jimcaha oo ah baraamij todobaadle ah ayaa waxaa ku baxa xubin aan ugu magac darnay ”Su’aasha Furan”, taasoo todobaad waliba dhegeystaasha lagu waydiiyo su’aal muhiim ah iyagauna ay ka bixiyaan jawaabo ka tarjumaya aragtidooda.
Su’aasha ay dhageystayaashu ka jawaabeen todobaadkan ayaa waxay tahay, Sidee ayaad u aragtaa magaca xibsiga cusub ee cadaaladda iyo wadajirka ee uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh, iyadoo la ogyahay xaaladda cadaaladda ee Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, xisbigaanse ma noqon karaa mid halis ku ah jiritaanka Dowladda Fedaraalka, maadaama si adag looga soo horjeedo?