Maalintii shalay waxaa gobalka Hiiraan markale ka dhacay, dagaal khasaare dhaliyay oo u dhexeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.
Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay duleedka degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyay ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay 1 askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay duleedka degmada Moqokori, halka looga dhaawacay 4 kale.