Wararka ka imaanaya gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maalintii shalay weerar kamin ah la beegsadeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Weerarka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa degmada Jannaale iyo deegaanka Buufow oo kawada tirsan gobalka Sh-hoose.
Ciidanka la beegsaday ayaa waxa ay wateen Mooto, waxaana weerarkaan ka dhashay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo soo gaaray askarta Dowladda Fedaraalka.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaan Dowladda Fedaraalka looga dilay 3 askari, iyadoo lagu soo furtay 2 qori oo AK-47 ah iyo booshashkooda, halka lagu gubay Mooto ay wateen askarta la beegsaday.