Waxaa deegaanka Wajaale ee katirsan degmada Warsheekh ee gobalka Sh-dhexe ka dhacay, dil iyo dhaawac ay geysteen malleeshiyo beeleed hubeysan, kadib markii uu dagaal halkaasi ku dhexmaray.
Dagaalkan ayaa ka bilowday gogol lagu heshiisiinayay dad walaalaha ah oo ay colaadi dhex tiilay dadna horay isaga dilay, balse mar kale ayey halkaasi ku dagaallameen waxayna iska dileen dad hor leh.
Tiro dad ah oo gaaraya sedax ruux oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkan, waxaana ku dhaawacmay labo qof oo kale, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaana waxaa ku jira haween.