Sunday, May 25, 2025
HomeAll NewsXildhibaan Ameerikaan ah oo ku Baaqay in Bam Nukliyeer ah Lagu Dhufto...

Xildhibaan Ameerikaan ah oo ku Baaqay in Bam Nukliyeer ah Lagu Dhufto Qazza & Duqeymo ka Dhacay Marinka.

Gumaystaha arxanka daran ee Yahuudda ayaa halkiisa kasii wada xasuuqyada iyo majaazirta  isir-sifayn ah ee ka dhanka ah ehelkeenna sugnaanta badan ee ku nool marinka Qazza , xilli ay dunida oo dhan isha ka daawanayso xasuuq-wadreeyda uu kayyaanka Yahuudda ku hayo reer Qazza.

Wararka maanta oo Sabti ah inaga soo gaaraya marinka Qazza ayaa ku waramaya, in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo ay leedahay Yahuudda ay duqeysay guriga qoys Falastiini ah  oo ku yaalla xaafadda Al-Amal ee galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza, waxaana halkaasi ku shahiiday qoyskii dhan ee gurigaasi deganaa, kuwaas oo ka koobnaa afar qof oo kala ah, Aabahii qoyskaas, xaaskiisa iyo labo carruur ah oo ay dhaleen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa oo soo xiganayso dad goob-joogayaal ah.

Bartamaha marinka Qazza , duqeymo ay diyaaraha cadawga Yahuudda la beegsadeen guri ku yaalla xerada qaxootiga ee Nuseyraat ee bartamaha marinka Qazza , ayaa waxaa ku shahiiday laba qof oo shacab ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo iyagana ahaa rayid aan waxba galabsanin.

Isla mukhayyamka Nuseyraat, hal qof oo rayid ah ayaa ku shahiday shan kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ay ku jirto gabar yar oo hal bil jir ah, kadib markii diyaaradaha Yahuudda ay duqeeyeen guri ay dad rayid ah degan yihiin oo ku yaalla mukhayyamkaas.

Iyadoo intaasi lagu darayo, ciidamada gumaystaha Yahuudda oo madaafiic aan loo meeldaynin ku garaacay deegaano dhaca dhanka waqooyi ee xerada qaxootiga ee Nuseyraat ee bartamaha marinka Qazza .

Maalintii shalay oo Jimca ahayd, waxa uu gumaystaha Yahuudda marinka Qazza ka geystay, sisilada weerarro ah oo shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad aad u fara badan oo rayid ah, sida ay warbaahinta la wadaageen howlwadeenno dhanka caafimaadka ee ku sugan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

Dhankeeda, wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza  ayaa sheegtay, in tirada dadka ku shahiiday duqeymaha ay Yahuudda ka geysatay marinka Qazza  ay gaartay 66 qof tan iyo waaberigii Jimcaha.

Dhanka kale, kanaalka “Kaana” ee kasoo baxa gudaha Yahuudda ayaa sheegay, in Xildhibaan ka tirsan Kongareeska Maraykanka gaar ahaan Xisbiga Jamhuuriga uu ku baaqay, in bam Nukliyeer ah lagu dhufta Marinka Qazza , taas oo uu sheegay, inay jawaab u tahay dilkii laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Yahuudda loogu geystay magaalada Waashitoon.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Randiyi Faayin deegaan doorashadiisana tahay gobalka Folorida ee waddan Mareykanka ayaa sheegay, inuu yahay Yahuudi Sahyuuni ah Yahuudnimadiisana ku faanaya, waxa uuna yiri “Reer Jabbaan wax wada-xaajood ah lamaanan galin si ay isu soo dhiibaan, balse labo jeer ayaan ku duqeynay hubka Nukliyeer ah si ay isu soo dhiibaan shuruud la’aan waana in hadda sidaasi lagu sameeyo marinka Qazza” ayuu yiri Xildhibaankan ka tirsan Kongareeska Maraykanka isagoo intaasi ku daray, in Maraykanka iyo Yahuudda ay weligood isku khilaafi doonaan dabar-goynta reer Falastiiniyiinta.

Xildhibaankan Ameerikaanka ah ma aha kii ugu horreeyay ee ku baaqa in Qazza  lagu dhufto bam Nukliyeerka ah, waxaana hortiis sidaan oo kale ku baaqay xildhibaano Ameerikaan ah, taas oo muujinaysa cadawtooyada ay u hayaan ehelkeenna sugnaanta badan ee reer Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.