Tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu billawday duullaanka loogu magacdaray Duufaanul Aqsaa ee ay kooxaha Muqaawamada Falastiiniyiinta ku qaadeen maamulka Yahuudda, ayaa waxaa isa soo taraya dadka Yahuudda ah ee la ildaran xanuunnada nafsiga.
Tarikoobyo rasmi ah oo la baahiyay ayaa waxa ay shaaca ka qaadayaan, in xaaladaha nafsiga ah ee ka dhex jira Yahuudda ay gaareen qiyaas halis ah, islamarkaana ay bateen dadka qaba cudurrada nafsiga ah.