Xildhibaan Cabdullaahi Abiib oo kamid ah Baarlamaanka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu eedeyn la xiriirta masuqmaasuq ujeediyay Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka.
Xildhibaankaan ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Fedaraalka ay dagaal adag la galay xubnaha diidan siyaasadeeda, si gaar ah kuwa ka hadla fashilka ka heysta dagaallada ay kula jirto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxa uu xusay in isagu uu dhinac kale ka eegay fashilka Dowladda Fedaraalka, taas oo ah musuqmaasuqa xargaha goosta ee iyaga ka dhex jira, si gaar ah mid uu ku eedeeyay Xasan Sheekh.
Waxa uu intaasi ku daray in 4 sharikadood oo uu leeyahay Xasan Sheekh ay bil waliba lunsadaan lacag dhan Nus Milyan Doollar, taas oo loogu tala galay ciidamada balse aysan askartu gaarin oo ay ka gaajeysan yihiin.