Sunday, May 25, 2025
HomeAll NewsIn ka Badan 400 oo Kamid ah Muslimiinta Rohingiya oo ku Geeriyooday...

In ka Badan 400 oo Kamid ah Muslimiinta Rohingiya oo ku Geeriyooday Doonyo kula Qalibmay Xeebaha Mayanmaar.

Wararka ka imaanaya dalka Mayanmaar ayaa sheegaya, in xeebaha dalkaas ay ku dageen balo doonyood oo siday dad badan oo kasoo jeeda qawmiyada Rohingaha ee muslim ah, kuwaas oo ka barakacay dagaalada iyo cadaadisyada uga imaanaya xukuumada buudiiska ah ee ka jirta dalkaas.

in ka badan 400 oo qof oo Rohingya ah ayaa ku dhintay Labo doonyood oo ku dagay xeebaha Mayanmaar. Doonida koowaad oo siday 267 qof ayaa quustay, iyada oo ay ka badbaadeen 66 qof oo kaliya. Halka doonida labaadna ay siday 247 qof, iyadana waxaa ka badbaaday 21 qof oo keliya.

Sanadihii u dambeeyay, kumannaan qof oo kasoo jeeda qawmiyada Rohingaha ee Muslimka ah, ayaa wajahayay barakac baahsan, kuwaas oo u tahriibay dalalka dariska la ah Mayanmaar, si ay u helaan nolol ka wanaagsan mida gumaysi ee ay ku jiraaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.