Mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulka la baxay Puntland ayaa waxa uu eedeymo kala duwan ujeediyay, Saciid Dani oo ah hogaamiyaha maamulkaas.
Siyaasigaan oo lagu magacaabo Guuleed Saalax Barre, horayna isu soo sharraxay xilka madaxtinimada ee maamulkaas ayaa Dani ku eedeeyay, inuu sharikado shisheeye usoo kireystay boobka kheyraadka umadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan goballada woqooyi-bari ee dalka.