Dowladda Fedaraalka ayaa ka hadashay hubkii ay dhawaan lasoo baxeen mucaaradka iyadoo sheegtay in ciidankii ilaalinayay ay kasaari doonto liiska askarteeda.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Fedaraalka Cumar Cali Cabdi ayaa ka hadlay ciidamadii ilaalada u ahaa mucaaradka oo ay Jimcihii hub ku dhexmareen Muqdisho xilli ay rabeen iney shir ku yeeshaan qeybo kamid ah caasimadda.
Wuxuu sheegay ineysan udulqaadan doonin hubka, gadiidka iyo ciidamada ay lasoo baxeen mucaaradka, isagoo askartii ilaalineysay ugu hanjabay iney la xisaabtami doonaan kana saaridoonaan ciidankooda.