Sunday, May 25, 2025
HomeAll NewsDad ku Shahiiday Duqeyn Yahuuddu ka Filsay Qazza & Haween Gaajo Ugu...

Dad ku Shahiiday Duqeyn Yahuuddu ka Filsay Qazza & Haween Gaajo Ugu Geeriyooday Magaaladaas.

Ilo wareedyo ku sugan xayndaabka go’doonsan ee Qazza  ayaa kusoo waramaya, in diyaaradaha gumaystaha Yahuudda ay subaxnimadii hore ee maanta duqeeyeen guri ay dad shacab ah ku noolyihiin oo ku yaalla deegaanka Jabaliyal-Nazla ee waqooyiga marinka Qazza , waxaana halkaasi ku shahiiday saddex qof oo rayid ah, halka qaar kalena lagu dhaawacay ama lagu la’yahay burburka hoostiisa.

Ciidamada Yahuudda ee har iyo habayn u taagan dhibaatayn dadka shacabka ah ee ay gumaysiga ku haystaan ayaa madaafiic aan loo meeldayaynin ku garaacay magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, iyagoo sidoo kale rasaas xooggan ku furay bartamaha deegaanka Al-Qarara ee waqooyiga magaaladaasi, rasaastaas oo ay kasoo ridayeen gudaha taangiyada ay wateen.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday, tiro kana waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda la beegsadeen teendho ay ku jireen dad barakacayaal ah oo taalla deegaanka Al-Mawaasi oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Khaan Yuunis.

Goor sii horaysay oo galabnimadii Sabtida ah, ilo-wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa soo sheegay, shahiidka lix qof oo rayid ah iyo dhaawac tiro kale oo iyagana shacab ah, kuwaas oo ku waxyeeloobay labo weerar oo dhanka cirka ah oo ay Yahuuddu la beegsatay xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza .

TV-ga Al-Aqsa ee Falastiiniyiinta ayaa sheegay, in sagaal qof ay ku shahiideen duqeymo kala duwan oo ay fuliyeen diyaaradaha Yahuudda tan iyo waaberigii maanta oo Axad ah.

Halka Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza  ay sheegtay, in 48 qof oo rayid ah ay ku shahiideen marinka Qazza  tan iyo waaberigii Sabtidii shalay, kadib markii uu kayyaanka Yahuudda duqeeyay deegaano kala duwan oo ka tirsan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.

Sidoo kale, Xafiiska Warfaafinta ee maamulka marinka Qazza  ayaa ku dhawaaqay, inay diiwaan galiyeen,  dhimashada inka badan 300 oo haween reer Qazza ah, kuwaas oo nafaqo-darro darteed soo tuuray ilmihii ay caloosha ku wadeen, kadibna umul raacay.

Xafiiska ayaa sheegay, in 242 haween ay u dhinteen cunto yari iyo dawo yari, 58  haweena ay u geeriyoodeen nafaqo darro, halka 26 haween oo ka xanuusanayay kelyaha  ay naftoodii ku waayeen daryeel la’aan dhanka caafimaadka ah.

Waxaa intaasi dheer dadka nafaqo-darrada ugu geeriyoonaya gudaha marinka Qazza oo ay ugu horeeyaan carruurta, shalay oo Sabti ahayd cunug yar oo afar sano jir ah ayaa nafaqo darro darteed ugu dhintay magaalada Qazza , taas oo tirada dadka nafaqo darrada ugu dhintay gudaha xayndaabka go’doonsan ee Qazza ka dhigayso 58 qof, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Falastiiniyiinta ee Wafa.

Arintaan ayaa imaanaysa, iyadoo hay’adda warfaafinta ee Yahuudda ay sheegtay, in gumaystaha Yahuudda uu ciidamo dheeraad ah geeyay marinka Qazza , si ay u laba jibaaraan xasuuqyada iyo majaazirta ay halkaasi ka wadaan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.