Mas’uuliyiinta ugu sareeyso ciidamada ee waddanka Jarmalka ayaa ka qaylo dhaamiyay, hoos u dhaca ku socda ciidamadooda, iyo dadka sida iktiyaariga ah ugu biirayo sufuufta ciidamada oo aad u yaraaday, taas oo ay sheegeen, inay ku ka lifayso, xoog inay ku askareeyaan dadka shacabka ah.
Wasiirka difaaca ee Jarmalka Buuriis Biistuuriyuus ayaa shaaca ka qaaday, in Jarmalku uu ka fikirayo dib u soo celinta askaraynta khasabka ah laga bilaabo sanadka soo socda hadii aysan shacabka Jarmalka tiro ku filan codsan waayaan ku biiridda ciidamada.
“Sharcigeenna marka hore waxa uu ku salaysan yahay, in sufuufta askarta lagu biiro si ikhtiyaari ah, balse taas haday nagu filnaan wayso waxaan go’aansan karnaa inaan ka dhigno mid khasab ah” ayuu yiri Wasiirka difaaca ee Jarmalka mar uu waraysi siinayay wargeys maxalli ah.
Isagoo ku nuux-nuuxsaday waa wasiirka Jarmalkee, in sharci qabyo ah oo cusub oo arrintan ku saabsan ay suurta-gal tahay inuu dhaqan galo 1-bisha Janaayo, ee sanadka soo socda ee 2026-ka.
Andariyaas Hiin, oo ah taliyaha qaybta amniga gudaha ee Jarmalka, ayaa taageeray ol-olaha xoogga loogu askaraynaya shacabka Jarmalka. taliyaha ayaana waraysi lala yeeshay ku yiri “Waxaan u baahanahay inaan dardargelinno habka askaraynta khasabka ah, maxaayeelay marka la eego qalabka, ballaarinta kaabayaasha, waxa noogu muhiimsan waa afraad la askareeyo.”
Ciidamada Jarmalka ayaa dhankooda sheegay, in loo baahan yahay Boqol Kun oo askari oo dheeraad ah sanadaha soo socda si ay u fuliyaan ballanqaadyada NATO, iyagoo xusay in dalkooda uu meesha ka saaray askaraynta khasabka ah sanadkii 2011-kii.
Jarmalka oo xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, ayaa dadaal ugu jiray inuu xoojiyo cududiidiisa ciidan, kadib weerarkii uu Ruushka ku qaaday Yukrayn sanadkii 2022-kii, balse waxay u muuqataa inay Baarliin ku guuldaraysatay soo jiidashada tiro ku filan oo askar ah, taas oo maanta ku khasbaysa inay awood ku askarayso shacabka dalkaas.