Sunday, May 25, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Mislimiin oo In Ka Badan 50 Askari ku Dishay Mali,...

Nusratul Islaam Wal-Mislimiin oo In Ka Badan 50 Askari ku Dishay Mali, Burkina-Faso & Benin.

Waxaa isa soo taraya hawgalada Jihaadiga ah ee ay fulinayaan Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, kuwaas oo ka socda dalalka Galbeedka Afrika, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay cagta la mariyay illaa saddex saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada dalalka Maali, Burkiina-Faaso iyo Beniin, kuwaas oo sababay dhimashada in ka badan 50 askari, waxaana lagu burburiyay saldhigyo ciidan, iyadoo sidoo kale lala wareegay hub tiro badan iyo gaadiid dagaal.

Weerarkii ugu cuslaa ayaa ka dhacay deegaanka Juuraa oo hoos taga gobolka Muubatii ee bartamaha Maali. Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul-Islam Wal-Muslimiin ayaa qaaday weerar ballaaran oo lala beegsaday saldhigyo ciidan oo isku raran ahaa, kuwaas oo ay ku sugnaayeen boqolaal ciidamo ah.

Inta la xaqiijiyay, ugu yaraan 40 askari ayaa lagu dilay weerarkan, waxaana guud ahaan saldhigyadii ciidamada Maali ee la weeraray gacanta ku dhigay ciidamada mujaahidiinta, kaddib markii askartii ku sugnaa ay noqdeen wax la laayay iyo kuwo firxada, siwirro ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo ku hadasha afka Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa lagusoo bandhigay raadadka uu reebay dagalkaas, waxaana laga dheehan karaa jabka ciidamada Maali ku gaaray goobta uu dagaalku ka dhacay, kuwaas oo raxan raxan u daadsan gudaha iyo hareeraha saldhiga.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay inta badan hubkii yaallay xerada la weeraray waxaana kamid ahaa 6 gaari oo nooca dagaalka ah, 5 qori oo Dhishiikayaal ah, 13 qori oo dabajeexyo ah, 4 qori oo RPG ah iyo 57 qori oo AK-47 ah. Waxay sidoo kale jihaadiyiintu dagaalkan ku gubeen 21 gaari oo ay ku jireen 3 gaari oo nooca dagaalka ah, iyaga oo dab qabadsiiyay guud ahaan xerada iyo teedhooyinkii ay ciidamada Maali ku lahaayeen halkaas.

Dhanka kale, weerar kale oo dhaliyay khasaare xooggan ayaa ka dhacay gudaha dalka Burkiina-Faaso, gaar ahaan gobolka Wahiquuya ee woqooyiga dalkaas. Kolonyo ciidamo ah oo ku safraysay meel u dhow xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago Maali ayaa lala beegsaday hagallo iskugu jira qaraxyo iyo weerarro toos ah, iyadoo halkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 askari. Weerarkan ayaa ahaa dhabbagal si xeeladeysan loo diyaariyay, waxaana ciidankii weerarka lagu qaaday laga furtay gaadiid, qoryo iyo rasaas badan.

Geesta kale, waqooyiga dalka Beniin, gaar ahaan deegaanka Mikoro oo ku dhow xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago Burkiina-Faaso. Ciidamado aad u hubaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta ka hawgallada dalkaas ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliin ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamada dalkaas, askarta la weeraray ayaa isku dayay inay sameeyaan iska cabin ka dhan ah jihaadiyiinta, kuwaas oo ugu damabayn cagaha wax ka dayay, kaddib markii ay difaacyada ugusoo daateenayaa jihaadiyiinta, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo gacmaha la’iskula tagay, inkastoo aysan jihaadiyiintu sheegin khasaaraha gaaray ciidamadii ku sugnaa halkaas, waxaa hadana dhanka kale u suura gashay mujaahidiinta in ay la wareegaan agab iyo saanad ciidan oo ay ka carareen ciidamada Beniin, sida ay sheegtay warbaahinta Az-Zallaaqah.

Wadamada ku jira isbahaysiga cusub ee dhanka difaaca ah ee loo yaqaano AES oo ka kooban dalalka Maali, Burkiina-Faaso iyo Niijar ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhanka Jihaadiyiinta Jamacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, waxaana bilihii u damabayay dhacay boqolaal weerar oo dhulka la simay awoodii ciidamada dalalkaa, iyada oo ay usii dheer tahay kacdoon daakhili ah oo ay shacabku kagasoo hor jeedaan xuukamadaha talada dalalkaas haya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.