Dalka Baarma waxa uu kamid ah yahay wadamada dhibaatada ugu daran ay ku wajahayaan Muslimiinta, waxaana dowladda dalkaasi ka dhisan ay xadgudubyo aad ufoolxun ugeysataa Muslimiinta ku nool dalkaas.
Muslimiinta Rohongiya oo ku nool dalkaan ayaa waxa ay ka kulmaan nuucyada kala duwan ee xadgudubyada, waxa ayna taasi keentay in ay dalka isaga barakacaan, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen tacdiibka iyo barakicinta lagu hayo Muslimiinta Rohongiya.