Tuesday, June 24, 2025
HomeAll NewsDilalka iyo Tacaddiyaadka ay Askartu ku Hayaan Mootooleyda Muqdisho oo Kordhay.

Dilalka iyo Tacaddiyaadka ay Askartu ku Hayaan Mootooleyda Muqdisho oo Kordhay.

Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa isa soo tarayay dilka iyo dhibaatooyinka kale ee ay dhalinyarada ku shaqeysata Mootooyinka kala kulmayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Dilka dhalinyarada ka xeysa mootooyinka ayaa wax iska caadi ah ka noqday Muqdisho, waxaana dhalinta badannkood lagu dilay dhac loo geysanayo hantidooda, sida in ciidamu ay dhalinyarada ku qasbaan iney xoog ku qaadaan iyagoo aan lacag bixin, haddii ay diidaanna sidaasi nafta lagu dhaafiyo.

Qaar kamid ah dhalinyarada oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay ka hadleen, dhibaatooyinka joogtada ah ee ay kala kulmayaan ciidanka, iyagoo sheegay in usbuucii lasoo dhaafay ay ugu dambeysay dil ay askartu ugeysteen wadayaasha mootooyinka.

Halkaan ka Degso Warka Mootooleyda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.