Ugu yaraan 2 kiis oo ah cudurka Furuqa Daanyeerada ayaa laga helay hooyo iyo cunug yar oo ay dhashay, waxaana la ogaaday iney qabaan kadib markii baaritaan lagu sameeyay.
War kasoo baxay Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay jiritaanka kiisaskan, labadan ruux ayaana wali la ildaran cudurkan.
Hooyada iyo ilmaha yar ee ay dhashay ee qaba cudurkan, ayaa ku nool magaalada Mooyaale oo ku hoosjirta gumeysiga dowladaha Kenya iyo Itoobiya, waxaana loo badinayaa inuu xanaankuna magaaladaasi uga yimid dhanka wadanka Kenya oo uu ku faafay.