Xildhibaan katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa weerar afka ah ku qaaday gudoomiye ku xigeenka koobaad ee Baarlamaanka, isagoo ku eedeeyay iney dhacday hantidii dalka guryo badanna ka dhisatay.
Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo ah Xildhaan katirsa Dowladda Fedaraalka, ayaa weerar afka ah ku qaaday gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Fedaraalka, isagoo ku eedeeyay iney dhisatay hanti badan oo ay lahaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay iney guryo badan oo ku yaalla Xamar ka dhisatay hantidaasi, iyadoo markii hore ka timid Mareykanka, dalkana joogta muddo yar.