Guumaysiga xaaqidka ah ee Yahuudda ayaa subaxnimadii maanta oo Talaadada ah iyo habeenkii xalay duqeymo culus oo cirka ah iyo madaafiic ku garaacay gooba ka tirsan marinka Qazza, gaar ahaan bariga magaalooyinka Qazza iyo Khaan Yuunis, iyagoo beegsaday warshad naafto oo ku taalla bartamaha marinka Qazza. Arrintan ayaa timid saacado kadib markii ay dhaceen xasuuqyo cusub oo ay ku shahiideen in ka badan 80 qof oo rayid ah.
Dhanka magaalada Qazza, ilo wareedyo ayaa kusoo waramay, shahiidka ilmo yar iyo dhaawaca tiro kale, kadib duqeyn ay diyaaradaha Yahuudda maanta la beegsadeen xaafadda Al-Karaama ee ku taalla waqooyi-galbeed ee magaaladasi.
Sidoo kale, halka qof oo rayida ah ayaa ku shahiiday kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuudda la eegatay guri ku yaalla xaafadda Az-Zaytuun ee dhacda koonfur-bari ee magaalada Qazza.
TV-ga Al-Aqsaa ayaa sheegay, in xaafadda Shujaaciyyah iyo deegaano kale oo dhanka bari kaga beegan magaalada Qazza lagu garaacay duqeymo cirka ah oo ay barbar socdeen madaafiic, iyadoo aan lala wadaagin saxaafadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradaas.
Xalay saqdii dhexe, diyaaradaha dagaalka ee cadawga Sahaayinada ayaa duqeeyay warshad naafto oo bari ka xigta magaalada Az-Zawaayidah ee bartamaha marinka Qazza.
Warbaahinnada Falastiiniyiinta ayaana ku waramay, in duqeymahaas kadib, hal qof oo shahiid la keenay isbitaalka Shuhadaa’u Al-Aqsaa ee ku yaalla magaalada Deyrul-Balax.
Duqeymaha warshadaan ayaa kusoo beegmeysa xilli Marinka Qazza ay ka jirto shidaal la’aan daran oo ka dhalatay go’doominta uu kusoo rogay gumaystaha Yahuudda.
Dad-goobjoogayaal ah ayaa soo sheegay, in barqanimadii maanta ay ciidamada Yahuudda madaafiic aan loo meeldayaynin ku garaaceen bariga iyo koonfurta xaafadaha magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta Marinka Qazza.
Sidoo kale, deegaanada hoostaga magaaladaas sida deegaannada Al-Qarara iyo Al- Mawaasi ayaa la kulmay duqeymaha cashwaa’igaha ah ee Yahuudda, arintaan ayaana timid saacado kadib markii ciidamada guumeysiga Yahuudda ay soo saareen amarro ah in laga guuro manaadiqda Khaan Yuunis si loogu diyaar garoobo weerarro.
Si kastaba ha ahaatee, dadka ku shahiiday duqeymaha Yahuudda tan iyo waabariga Isniintii shalay ayaa gaaray 82 qof oo rayid ah, kuwaas oo u badnaa dadkii ku shahiiday xasuuqii uu gumaystaha kula kacay dadka barakacayaasha ee ku noolaa iskuulka Fahmi Al-Jarjaawiy ee xaafadda Addaraj ee magaalada Qazza, sida ay warbaahinta la wadaageen ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan xayndaabka go’doonsan ee Qazza.