Saturday, June 7, 2025
HomeAll NewsBoqallaal Yahuud ah oo Xoog ku Galay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa.

Boqallaal Yahuud ah oo Xoog ku Galay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsaa.

Boqolaal kamid ah dadka Yuhuudda ayaa shalay xoog ku galay dhismaha Masjidka barakaysan ee Al-Aqsaa, halka kumanaan kale oo Yahuud ahna ay gudaha u galeen xaafadaha qadiimiga ah ee magaalada Al-Qudus ee gumaysiga ku jirta, kuwaas oo xusayay sanadguuradii kasoo wareegatay markii ay qabsadeen magaaladaas. Waxayn weerar ku qaadeen Falastiiniyiinta iyo hantidooda, iyagoo ku dhawaaqay waa Yahuuddee erayo ka dhan ah Islaamka iyo Muslimiinta.

Masjidka barakaysan ee Al-Aqsa waxaa si gaar ah duulaan ballaaran ugu qaaday, in ka badan 2 Kun oo qof oo Yahuud xagjiriinta ah, kuwaas oo ay hogaaminayeen xagjiriinta kala ah Iitmaar Bin-Ghafiir iyo Batsa’iil Samuutriitish.

Waxaana la arkay koror ku dhawaad ​​ boqolkiiba 37% tirada dadka soo galay gudaha magaalada, marka loo eego duullaankii hore, taasoo ka dhigtay maalintii ugu xumayd taariikhda Masjidka Al-Aqsa tan iyo markii la qabsaday 1967-kii.

Booliiska kayyaanka Yahuudda ayaa u oggolaaday lix kooxood oo kamida Yahuudda lagu deegaameeyay halkaas inay isku mar gudaha u galaan dhismaha Masjidka Al-Aqsa, halka Yahuudda xagjirka ah ay qoob ka ciyaaro ku sameeyeen gudaha saaxaadka masjida barakaysan ee Al-Aqsa iyagoo kor u siday Sahyuuniga xagjirka ah ee lagu magacaabo Batsa’iil, taas oo ah mash-had aan horay arkin.

Yahuudda xagjiriinta ah ayaa ku dhawaaqayay erayo ay kamid yihiin, carab waa geeriyootay, iyaga oo wareegayay luuqyada magaalada Al-Quddus, sidoo kalana ku hadaaqayay areyo ay ku aflagaadaynayaan Nabigeenna Muxamed Naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee.

Muqaawamada Falastiin ayaa si kulul u canbaaraysay xadgudubyadii ay shalay Yahuudda ka geystay  magaalada Qudus iyo Masjidka Al-Aqsa, waxayna sheegeen muqaawamada, inay arintaani tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay xurmada iyo meeqaamka uu masjidkaasi ku leeyahay ummadda Islaamka, iyagoona ka digay isku dayga uu gumeystaha ku doonaya Yuhuudeynta gebi ahaanba masjidkaas.

Xaaladahaan murugsan ayaa imaanaya, iyadoo Muslimiinta ay maanta qaflad iyo hurdo dheer ku jiraan, iyadoo Yahuuddu ay sidii doonto ugu tumanayso muqadasaadkooda uu ugu horeeyo masjidka Al-Aqsa, kaas oo ah qibladii koowaad ee Muslimiinta, makaankii loo dheelmiyay Nabigeenna Muxamed Naxariis iyo nabad-galyo korkiisa ha ahaatee iyo sadaxeeya saddaxda masjid ee ugu fadliga badan caalamka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.