Friday, June 6, 2025
HomeAll NewsKu Dhawaad 20 Qof oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Dhisme Kusoo...

Ku Dhawaad 20 Qof oo Dhimasho & Dhaawac ku Noqday Dhisme Kusoo Dumay Dalka Senegal.

Wararka ka imaanaya dalka Sanegaal oo dhaca galbeedka Afrika ayaa sheegaya in caasimada labaad ee dalkaas uu ku soo dumay guri dhismihiisu socday, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawac ku dhawaad 20 qof, kuwaas oo ku sugnaa goobo ka agdhawaa halka uu dabaqu ku dumay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Tuuba oo ah magaalada labaad ee ugu wayn dalka Sanegaal, waxaana ku dhintay illaa 11 qof halka ay ku dhaawacmeen 7 kale, kuwaas oo lageeyay xarumaha caafimaadka ee magaaladaas, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.

Wakaaladda wararka ee Faransa Barees oo soo xiganaysa illo xog ogaal ah ayaa sheegtay, in dhismaha uu burburay xilli shaqo laga waday, iyada oo qaar kamid ah shaqaalihii waday dhismaha guriga iyo dad ku sugnaa hareerihiisa ay ku habsatay dhagxaan culus oo si lama filaan ah u dumay, kuwaas oo sababay khasaaraha ka dhashay guriga.

Tuuba, oo ah magaalo caan ah oo kumannaan kun oo qof sanad walba u socdaalaan si ay uga qaybqaataan munaasabado ka dhaca halkaas, ayaa sanadihii u dambeeyay la kulmaysay koboc dhanka tirada dadka iyo dhaqaalaha ah. Si kastaba ha ahaatee, horumarkaas degdegga ah ayaa marar badan keena burburka guryo aan loo dhisin si nidaamsan, taas oo khatar weyn u keenta badqabka bulshada deegaanka.

Dhawaan ayay sidan oo kale, laba qof ugu geeriyoodeen burburka dhisme kale oo kusoo dumay dad ku sugnaa gudihiisa, kaas oo ka dhacay caasimadda dalkaas ee Dakaar, taas oo muujinaysa sida ay usoo badanayaan burburka dhismayaasha ee dalka Senagaal, iyada oo loo sababaynayo farsamo xumo ka jirta dhanka injineerada ka shaqeeya guryaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.