Sunday, June 8, 2025
HomeAll NewsNusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Weerarro Abaabulan Ka Fulisay Dalalka Galbeedka Afrika.

Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Weerarro Abaabulan Ka Fulisay Dalalka Galbeedka Afrika.

Ciidamada mujaahidiinta ee jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa weerarro xiriir ah ku qaaday askarta wadamada galbeed Afrika, gaar ahaan dalalka Maali, Burkiina-Faaso iyo Niijar, kuwaas oo lagu dilay laguna dhaawacay tiro askar ah, iyada oo ay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah baahisay muuqaal cusub oo xiiso leh, kaas oo lagusoo bandhigay dagaal dhawaan lagu jabiyay ciidamada Burkiina-Faaso.

Hadaan ku bilowno hawgalada jihaadi ee ka dhacay dalka Maali gaar ahaan deegaanka Masina ee bartamaha dalkaas, waxay ciidamada mujaahidiintu miino dhulka lagu aasay la beegsadeen gaari milatari oo ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada Maali, kaas oo marayay inta u dhexeysa tuulooyinka Wila iyo Togolonkuura. Qaraxa ayaa sababay khasaaro aan la cayimin, iyada oo war rasmi ah oo kasoo baxaya mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah lagu sheegtay inuu gabi ahaanba burburay gaariga la beegsaday.

Maalintii xigtay ciidamo kale oo ka tirsan mujaahidiinta jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, ayaa weerar kale oo xooggan kala dul dhacay saldhig milatari oo ay ciidamada Niijar ku lahaayeen deegaanka Billel-Abu oo ka tirsan gobolka Dosso ee dalkaas. Jihaadiyiinta oo war kooban kasoo saaray dagaalkan ayaa sheegay inay halkaas ku dileen  illaa shan askari oo ka tirsanaa ciidamada Niijar, kaddib markii ay miino la beegsadeen baabuur milatari oo isku dayay inay xerada ka baxsadaan. Mujaahidiinta ayaana sidoo kale dagaalkan kula wareegay saanad ciidan oo ay wateen askarta Niijar.

Dhanka kale, dalka Burkiina-Faaso waxaa shalay talaadadii ay ciidamada mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin sheegeen inay si buuxda u la wareegeen talis ay maleeshiyaad taageersan askarta Burkiina-Faaso ku lahaayeen tuulada Sambila, oo ku taalla bariga gobolka Seyenga ee dalka Burkina Faso.

Geesta kale, mu’assasada Az-Zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa sidii horayba looga bartay baahisay dagaal dhawaan ka dhacay dalka Burkiina-Faaso, gaar ahaa magaalada Tayuu, kaas oo lagu dilay askar aad u badan oo ka tirsanaa milatariga dalkaas.

Qaybaha ugu horeeya ee muuqaalka ayaa lagusoo bandhigay qaar kamid ah hogaamiyayaasha mujaahidiinta oo dardaaran muhiiim ah u jeedinaya ciidamadamada, daqiiqado kooban kaddib ayaa muuqaalka laga dheehan karaa jihaadiyiinta oo markan u jihaysanaya furimaha dagaalka, kuwaas oo ku rararn gaadii dagaal oo tiro lagusoo koobi Karin.

Isdaarka ayaa soo bandhigaya difaacyo taxan tobanaan kiiloomitir oo ay isku gadaameen ciidamada Burkiina-Faaso iyo jihaadiyiinta oo daqiiqado kooban gudahood kaga talaabaya difaacyadaas, kaddib markii ay askartii halkaas ku sugnayd isaga firxadeen. Dagaal qaraar oo ka dhacay gudaha iyo hareeraha xerada ayaa ugu damabayn Jihaadiyiinta u suura galiyay, inay si buuxda ula wareegaan guud ahaan difaacyadii ciidamada dalkaas, waxaana filimka lagu arki karaa tobonaan askari oo mayd ah oo isbarkan, kuwaas oo daadsan gudaha xerada.

Qaybaha dambe ee muuqaalka ayay mu’assasada Az-Zallaaqah kusoo bandhigtay ciidamada mujaahidiinta oo daabulanaya agabkii yaallay taliskii guud ee xerada iyo bakhaaro waawayn oo lagu kaydiyo hubka, waxayna halkaas jihaadiyiintu ku furteen gawaari dagaal iyo saanad ciidan oo aad u culus, kuwaas lagusoo bandhigay qaybaha dambe ee muuqaalka, iyaga oo dab qabadsiiyay gabi ahaanba xerada iyo difaacyadii ay ciidamada Burkoona-Faaso ka samaysteen magaalada Tayuu.

Dalka Burkiina-Faaso ayaa wajahaya jahwareer siyaasadeed oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin kasoo horjeeda hogaamiyaha da’ada yar ee talada dalkaas afgambiga kula wareegay, iyada oo ay jihaadiyiinta saaxilka Afrika wadaan dagaallo dardar leh oo ay ku wiiqeen awoodii ciidamada dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.