Wargeyska The Indebendent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaaday, in xaaladaha jawiga ee aadka u daran ee ka dhashay isbadalka cimilada ay dalalka ugu saboolsan adduunka ku kalifeen, inay maarayntooda ku qarash gareeyaan 156 Bilyan oo Doollar labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Waxay sharaxday saxiifaddu, in abaaro ba’an, fatahaado, duufaanno, iyo musiibooyin kale oo lamid ah ay saameeyeen 364 Milyan oo qof ayna sababeen dhimashada, in ka badan 42 Kun oo qof tan iyo sanadkii 2000, iyadoo xustay, in 17 Kun oo dhimashadaas ka mid ah, si toos ah loogu nisbeyn karo isbedelka cimillada.
Saxiifaddaan Biritishka ah ayaa si gaar ah tooshka ugu ifisay, in dalalka ay dhibaatada ugu badan ka jirto ay yihiin Soomaaliya Hayti iyo Yugaandha.
Dhankooda, cilmi-baarayaal ka tirsan mac-hadka “Ofersiis Dhifilobment Inistituyut” oo losoo gaabiyo ODI oo fadhigiisu yahay magaalada Landhan ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay, in dhibaatada isbadalka cimiladu ay keentay, in beeralayda ay khasaaraan wax soo saarka dalagyo qiimahooda lagu qiyaasay Balaayiin Doollar, taasoo ay sheegeen inay horseeday, in beeraleyda Soomaalida iyo Itoobiyaanka ay ku qasbanaadaan ka tagidda nolol-maalmeedkooda xilli ay sii kordhayso cunno yarida.
Maayik Tashaayaldaz, oo ah madaxa siyaasadda urur lagu magacaabo saaxiibada dhulka ayaa mar uu la hadlayay saxiifadda The Indebendent waxa uu yiri “Haddii Ingiriisu uu la kulmi lahaa Tobanaan Balaayiin Doollar oo khasaare ah oo ay sabab u tahay ficillada wadamada kale, dawladeena iyo dadkeena waxay si sax ah u awoodaan inay kor u qaadaan codkooda oo ay ka cawdaan cadaalad darada ay la kulmeen,”.
Wargeysku waxa uu daabacay warbixin uu kaga hadlayo go’aanka uu madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam ku hakiyey deeqaha caalamiga ah ee uu siin jiray waddamada qaar, iyo saamaynta ba’an ee ay talaabooyinkani ku yeesheen wadamada ay sida weyn u saamaysay xasaradaha isbadalka cimiladu, taas oo keentay in ay lumiyaan taageeradii cuntada iyo ka hortagga musiibooyinka.
Kaaralaa Denyar, oo ah hogaamiyaha xisbiga cagaaran ee Ingiriiska, ayaa dhaleeceysay sida waddamada isku sheega inay qani yihiin ay uga caga-jiidayaan taakulaynta wadamada ay saameeyeen dhibaatooyinka ay keento isbadalka cimillada. Waxa ay sheegtay haweenaydaan, in ay tahay cadaalad darro aad u weyn, in wadamada ugu yar xagga saamaynta dhibaatada isbadalka cimilada ay yihiin kuwa qiimaha ugu badan ku bixiya.
Waxay intaasi ku dartay, in Landhan ay tahay inay kaalin mug leh ka qaadato sidii loo saxi lahaa cadaalad daradaas, inkastoo dalalka ugu saboolsan caalamka, sida Soomaliya, Itoobiya iyo dowladaha Jaziiradaha yar-yar ay yihiin kuwa bixiya lacagahaas.