Sunday, July 13, 2025
HomeAll NewsDibad-baxyo Xooggan oo Markale Dib Uga Qarxay Magaalooyinka Waawayn ee Dalka Liibiya.

Dibad-baxyo Xooggan oo Markale Dib Uga Qarxay Magaalooyinka Waawayn ee Dalka Liibiya.

Dalka Liibya ayaa wajahaya mowjado dibad-baxyo ah oo aad u xooggan, kuwaas oo sii laba-lixaadsanaya maalinba maalinta ka dambeysa. Wixii ka dambeeyay xalay fiidkii dadweyne aad u careysan ayaa gooyay waddooyinka waaweyn ee magaalada Tiriboli iyo magaalooyin kale oo dhaca galbeedka dalkaas, iyagoo dab qabadsiiyay taayaro iyo qashin farabadan, si ay u muujiyaan dalabkooda ku wajahan in xilka laga qaado ra’iisul wasaaraha dowladda uu hogaamiyo, Cabdulxamid Dabiiba.

Dibadbaxyadan ayaa gaaray meelaha ugu muhiimsan ee magaalada Tiriboli, iyada oo dadyow careysan ay xireen wadooyinka u dhow xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, sidoo kale waxay xireen fagaaraha Farnaaj, xaafadaha Sabcah, Zanaat iyo Caynu-Zaarah. Dadka mudaharaadayay ayaa sitay boorar ay ku xardhan yihiin erayo ay ku dalbanayaan in la eryo Dabiiba, isla markaana lala xisaabtamo mas’uuliyiintii ku lugta lahaa weerar dhawaan lagu qaaday xarun Shidaal oo ku taalla dalkaas.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada oo laga soo duubay xaafado iyo magaalooyin ay ka mid yihiin Zaawiyah, Surmaan, Taajuura, Janzuur iyo sidoo kale qaybo ka mid ah magaalada Tiriboli, ayaa muujinayay dibad-baxayaal aad u badan oo xiray isu socodkii magaalooyinkaas, kuwaas oo ku qeylinayay erayo ay ku cambaareynayaan sii joogitaanka dowladda Dabiiba, oo ay ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay jahwareerka siyaasadeed iyo ammaandarada ka jirta dalka.

Kacdoonkan ayaa bilowday labo toddobaad kahor, markaas oo magaalada Tripoli ay ka dhaceen dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kooxo hubeysan, kaddib markii la dilay Abdelghani Al-Kikli, oo ahaa madaxa hay’adda taageerada xasilinta ee hoostaga golaha Madaxtooyada. Dabiiba ayaana dilka ninkaas ku tilmaamay “howlgal milatari oo guuleystay” oo lagu doonayay in dalka looga nadiifiyo kooxaha hubeysan ee ka baxsan dawladda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.