Wargeyska The New-York Times ayaa daabacay warbixin muujinaysa in maamulka madaxweynaha Mareykanka ee Donald Trump, uu isku dayay in uu dalka Koonfurta Suudaan geeyo koox tahriibayaal ah, inkasta oo uu dalkaasi wajahayo jahwareer siyaasadeed iyo cabsi laga qabo dagaal sokeeye oo cusub. Qorshahan ayaa dhaliyay walaac ballaaran, iyadoo la ogyahay in Koonfurta Suudaan aysan u diyaarsanayn in ay qaabisho dad lagasoo tarxiilay wadamo kale, xilli xaaladaha bani’aadannimo ee halkaasi kajira ay aad u liitaan.
Warbixinta ayaa xustay in Sideed nin oo soo galooti ah oo kasoo jeeda dalal ay ka mid yihiin Fiitnaam, Kuuba iyo Meksiko, haatan lagu hayo saldhig milatari oo uu Mareykanku ku leeyahay gudaha dalka Jabuuti, iyagoo sugaya go’aan maxkamadeed oo ku saabsan xaaladdooda. Dadkan ayaa la qorsheynayay in laga masaafuriyo Mareykanka, balse garsoore federaal ayaa si ku-meel-gaar ah u hakiyay amarkii lagu tarxiilayay, taasoo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan sharciyadda go’aankaas.
Qoraaga warbixinta Cabdiladiif Daahir oo ka tirsan bahda Wargeyska The New-York Times qaybtiisa Bariga Afrika, iyo saxafiyada lagu magacaabo Amanda Taawab oo ka tirsan wargayska The Intarbreet, ayaa ku tilmaamay qorshaha lagu tarxiilayo soogalootiga inuu yahay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan tarxiilka, taasoo dhalisay walaac weyn oo dhinaca sharciga iyo bini’aadannimada ah, iyadoo loo arko mid muujinaysa in danta siyaasadeed laga hormarinayo nolosha iyo badbaadada dadka nugul.
Waxay sidoo kale xustay warbixintu, in ragga loo masaafuriyay saldhigga milatari ee Mareykanku ku leeyahay Jabuuti horey loogu helay dambiyo culus oo rabshado wata oo ka dhacay gudaha Mareykanka, wuxuuna maamulka Taraam ku sifeeyay inay yihiin “xayawaano aan naxariis lahayn,” taasoo qayb ka ah ololihiisa adag ee ka dhanka ah dadka soo galootiga ah.
Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u baahisay gal-dambiyeedka ragga la tarxiilay, iyadoo ku soo bandhigtay dukumeenti dheer oo gaaraya 70 bog, arrintaas oo ay khubaradu ku tilmaameen isku day lagu dhaawacayo sumcadda waxa ay ugu yeeraan garsoorka federaalka oo hor istaagay tarxiilkaas, isla markaana lagu hurinayo dareenka dadweynaha, si loo taageero qorshaha masaafurinta guud ee tahriibayaasha.
Warbixintan ayaa iftiimisay in doorashada Maraykanku uu ku carrabaabay Koonfurta Suudaan oo ah dal ay ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed iyo mid amni, ay kusoo beegantay xilli uu jiro khilaaf diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Waashitoon iyo xukuumada Juba, taasoo dhalisay tuhun ah in arrinta tarxiilka loo adeegsaday cadaadis siyaasadeed oo ka baxsan waxa loogu yeero xeerarka caalamiga ah ee bini’aadannimada.
Waxa ay xaqiijisay warbixintu, in maamulka Taraam uu xayiraad dhanka fiisaha ah ku soo rogay muwaadiniinta Koonfurta Suudaan, kadib markii ay dowladoodu diiday inay aqbasho mid ka mid ah dadka lasoo tarxiilay, inkastoo uusan ahayn ruux u dhashay dalkaas.
Halkaan ka Degso Warbixinta Koonfurta Suudaan