Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay habeenkii xalay fuliyeen, weeraro ka dhan ah askarta Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka, kuwaas oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobalka Baay.
Haddaan ku horreyno Muqdisho, waxa ay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerareen, koontarool ay ku sugnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.
Koontaroolka askarta Dowladda Fedaraalka lagu weeraray ayaa ku yaalla xaafada Sifeynta Batroolka ee degmada Wadajir oo katirsan magaalada Muqdisho.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxaana ku lagu dilay 1 askari, halka lagu dhaawacay 7 kale.
Dhanka gobalka Baay, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shahaab ayaa weeraray, xero ay askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin deegaan katirsan gobalkaas.
Weerarka ayaa si gaar ah loola beegsaday, xerada askarta Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Awdiinle ee hoostaga magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobalka Baay.
Illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan, weerarada xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo duleedka Beydhabo, ee lala beegsaday askarta Xabashida Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.