Askartaan oo ay tiradoodu aheyd 2 islamarkaana si gaar ah kaga tirsanaan ciidanka Gorgor ee uu Turkigu tababartay, ayaa waxa ay isku soo dhiibeen wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan.
Labada askari ayaa lagu kala magacaabaa Cabdifataax Maxamed Axmed iyo Yuusuf Axmed Cabdi, iyagoona in muddo ah katirsanaa ciidamada Dowladda Fedaraalka.
Cabdifataax Maxamed Axmed ayaa ugu horreyn ka warbixinaya qaabka uu ugu biiray ciidamada Dowladda Fedaraalka, isagoo sidoo kale ka hadlay fasaadka iyo diin xumada ka dhex jirta ciidanka uu kasoo tagay.
Yuusuf Axmed Cabdi oo a askariga labaad ee isa soo dhiibay ayaa waxa uu dhankiisa sheegay inuu ka badbaaday, dagaalladii ugu dambeeyay ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku dhexmaray deegaanka Aboorrey ee gobalka Hiiraan.