Sunday, June 8, 2025
HomeUncategorizedMareykanka oo ka Jilba-laabanaya Afrika Dowladaha Mandiqadda ku Wargaliyay Iney Isku Tashadaan.

Mareykanka oo ka Jilba-laabanaya Afrika Dowladaha Mandiqadda ku Wargaliyay Iney Isku Tashadaan.

Tan iyo wixii ka dambeeyay dib udoorashadii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxa ay xukuumadda Washington ku dhaqaaqday istaraatiijiyad cusub oo ay dib u eegis ugu sameyneyso duullaannada uu Mareykanku kaga jiro wadamada caalamka si gaar ah dalalka Muslimiinta.

Jabkii Mareykanka ee Afghaanistaan iyo guuldarooyinkii uu ka dhaxlay mandiqadda loogu yeero bariga dhexe iyo qaaradda Aasiya kadib, waxa ay Dowladda Mareykanka iminka ku howlan tahay sidii ay uhakin laheyd duullaannada ay kaga jirto wadamada ku yaalla qaaradda Afrika.

Jenaraal Michael Langley oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika magacoodana loosoo gaabiyo (AFRICOM) ayaa waxa uu dhaaca ka qaaday, in isbadal muuqda uu ku yimid duullaanka ay kaga jiraan qaaradda Afrika, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in xulafadooda Afrikaanta ay dhabarka u ritaan culeysyada amni ee ay wajahayaan, iyagoo wax ku dhisanaya tallaabooyinka uu qaadayo maamulka Trump oo ah kuwa qalqal xooggan ku abuuraya dowladaha ku yaalla mandiqadda ee ku tiirsan xukuumadda Washinton.

Michael Langley ayaa isagoo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Faransiiska waxa uu sheegay, in la joogo waqtigii ay dowladaha Afrikaanta ah isku tashan lahaaayeen oo ay naftooda ku tiirsanaadaan, isagoo intaa ku daray in Mareykanku uu mudnaanta koowaad siinayo ilaalinta dalkiisa.

Maamulka Trump ayaanan ku howlaneyn oo kaliya in millatari ahaan uu uhakiyo duullaannada uu ka wado dalalka caalamka, balse waxa ay xukuumadda Washington qorsheyneysaa iney joojiso badi howlaha ay wasaaraddooda arrimaha dibadda ka wado qaaradda Afrika, sidoo kale ay gabi ahaanba meesha ka saarto safaaradaha iyo qunsuliyadaha ay ku leedahay dalalka kala duwan ee ku yaalla qaaraddaan.

Inkastoo ay tani jirto, haddana Mareykanka ayaa umuuqda mid aan si dhameystiran lugaha uga laabaneyn qaaradda Afrika, balse waxa uu ku dadaalayaa inuu ilaashado masaalixda uu ka leeyahay qaaraddaan oo ay kula loomayaan dowlado kale oo waaweyn, waxayna Washington isku dayaysaa sidii ay usii jiri laheyd nufuudda ay ku leedahay qaaradda Afrika.

Mareykanka ayaa waxa uu horay u shaaciyay inuu soo afjaray duullaankii uu ka wada dalka Niger, islamarkaana uu gabi ahaanba ciidankiisa ka saaray dalkaas, waxayna tani muujineysaa sida ay dowladaha dhaca qaaradda Yurub  ugu fashilmeen duullaanoodii millatari iyo kuwii dhaqaale ee ay kusoo qaadeen qaar kamid ah dowladaha Afrika, waxaana Mareykanka ka horreeyay Faransiiska oo gabi ahaanba isaga baxay dalalka Maali, Niger, Chad, Burkina-Faso iyo wadamado kale oo dhaca galbeedka qaaradda.

Firaaqaan iyo taag darrida ay dowladaha reer-galbeedka ku wajahayaan qaaradda Afrika ayaa waxa ay keentay, in dowlado waawenyn oo ay kamid yihiin Shiinaha iyo Ruushka ay xoogga saaraan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen fursadda ay heystaan, waxa ayna buuxiyeen booskii ay Washington banneysay, iyagoo hadda dadaal ku bixinaya sidii ay meesha uga saari lahaayeen nufuudda ama saameynta uu Mareykanku ku leeyahay qaaraddaan uu Allaah kheyraadka ku manneystay, balse ay boobkeeda ku loollamayaan dowladaha sheegta quwadaha adduunka.

Inkastoo qaar kamid ah dowladaha Afrikaanta ah aysan saameyn badan ku yeelaneyn go’aannada lama filaanka ah ee uu qaanayo maamulka Donald Trump, ayaa waxaa haddana saameynta ugu xun wajaheysa Dowladda Fedaraalka oo iyadu si weyn ku tiirsan Mareykanka, waana midda keentay in xilligaan ay dowladaha reer-galbeedka ku celceliyaan in hubanti la’aan heerkeedu sarreeyo ay ku sugan tahay dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh, islamarkaana ay qarka u saaran tahay iney burburto, dalkana ay la wareegto Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Halkaan ka Degso Warbixinta Mareykanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.