Yahuudda ayaa dhowr duqeymo oo dhanka cirka ah galabnimadii shalay ku qaaday dalka Suuriya, iyadoo bartilmaameedsatay saddex goobood oo ku yaalla baadiyaha gobollada Al-Laadiqiyah iyo Dhardhuus, duqeymahaas oo sababay kasaare nafeed iyo mid hantiyadeed, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.
Inta la xaqiijiyay waxaa duqeymahan ku dhintay hal qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo loo qaaday xarumaha caafimaadka ee dalkaas. Wakaalada wararka Siiriya ee SANA ayaa sheegtay, in duqeyntu ay sidoo kale sababtay burbur hantiyeed oo soo gaaray goobihii la beegsaday.
Ciidanka Yahuudda ayaa dhankooda sheegay, inay duqeeyeen bakhaarro ay ku jireen gantaallada badda, kuwaas oo ay ku tilmaameen, inay khatar ku yihiin maraakiibtooda badda.