Ciidamada Yahuudda ayaa barqanimadii maanta oo Sabti ah duqeymo dhanka cirka ah iyo madaafiic ku qaaday bariga iyo waqooyiga magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, saacado kadib markii ay xasuuq u geysteen dad barakacayaal ah oo ku sugnaa magaaladaas.
Dhanka Koonfurta marinka Qazza, labo qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamada Yahuudda maanta ku fureen dad kusii jeeday xarun laga qaybiyo raashin oo ku taalla galbeedka magaalada Rafax, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiiniyiinta ee WAFA.
Sidoo kale, hal qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday labo kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeyn ay Yahuuddu ka geysatay magaalada Bani Suhayla ee bariga magaalada Khaan Yuunis.
Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ee magaalada Bani Suhayla ayaa waxaa u suurtagalay inay burburka hoostiisa kasoo saaraan maydad laba ruux oo shacab ah, kuwaas oo ku shahiiday duqeymo hore oo ay Yahuuddu la beegsatay magaaladaas.
Jimcihii shalay ciidamada gumeysiga Yahuudda ayaa xasuuq cusub ka geystay magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza, majzaradaas oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah oo u badnaa carruur iyo haween.
Sida ay soo sheegeen dad goob-joogayaal ah, diyaaradaha aan duuliye lahayn ee maamulka Yahuudda ayaa duqeymo xooggan ku qaaday teendho ay deganaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla deegaanka Al-Mawaasi ee galbeed magaalada Khaan Yuunis, waxaana halkaasi ku shahiiday 13 qof oo rayid ah oo ay ku jireen ugu yaraan saddex carruur ah iyo haween. Halka rasaas ciidamada gumaystaha Yahuuddu ay ku fureen magaaladaasi ay ku geeriyootay qof dumar ah.
Wasaaradda caafimaadka ee maamulka marinka Qazza ayaa warbaahinta la wadaagtay, in 49 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymaha uu maamulka Yahuudda ka geysanayay marinka Qazza tan iyo waaberigii Jimcihii.
Wasaaradda ayaa intaasi ku dartay, in 72 qof oo rayid ah ay ku shahiideen, 278 kalena ay ku dhaawacmeen duqeymaha ay Yahuuddu ka fulisay marinka Qazzza 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Arintaa ayaa imaanaysa, iyadoo Khamiistii ina dhaaftay ay soo baxeen warar sheegaya, inay muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda aqbaleen heshiis xabad-joojin ah oo ka dhanqan galo marinka go’doonsan ee Qazza, kaas oo soconaya muddo ku siman 60 maalmood.
Balse madaxwaynaha Mareykanka Doonal Taraam oo ah kan gacanta ku haya kayyaanka Yahuudda ayaa galabnimadii shalay oo Jimca ahayd sheegay, in muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda ay aad ugu dhow yihiin inay heshiis xabbad-joojin ah ka gaaraan Qazza, isagoona sheegay, inuu hashiiskaas ku dhawaaqi doona maalmaha nagu soo aaddan.