Waxaa jirta oraah caan ah oo oranaysa: “Haddii aad rabto nabad, waa inaad fahantaa dagaalka.” Qofka marka uu hadalkan maqlo, waxaa laga yaabaa inuu la yaabo, maxaa yeelay nabad iyo dagaal waa laba shay oo iska soo horjeeda. Laakiin marka aad si qoto dheer ugu fiirsato, waxaad ogaanaysaa in si dhab ah loo helo nabad waarta, ay ku xiran tahay in si fiican loo barto loona fahmo sababaha dhabta ah ee dagaalladu ku salaysan yihiin.
Daraasaadka dagaalka — oo ah cilmi casri ah — ma ahan mid lagu bogaadinayo colaad ama dhiig daadasho, balse waa baaris qoto dheer oo lagu fahmayo sababaha ay dowlado iyo kooxo u doorbidaan dagaal marka ay u muuqato in wada-hadal ama nabad la gaari kari waayo. Cilmigan wuxuu si qoto dheer u falanqeeyaa kobaca xeeladaha dagaal, dhaqanka ciidan, iyo sida falsafaddu uga dambeyso go’aannada lagu gaaro in la bilaabo dagaal ama laga baaqsado. Wuxuu si gaar ah u iftiiminayaa sida ay isugu xiran yihiin difaaca, siyaasadda, istiraatiijiyadda, iyo bulshooyinka ay dagaalladu saameeyaan.
Sidaa darteed, marka cilmi-baare uu yiraahdo “waxaan ahay khabiir ku takhasusay daraasaadka dagaalka,” ma aha inuu sheeganayo geesinimo ciidan, balse wuxuu tilmaamayaa inuu xooga saarayo fahamka mid ka mid ah arrimaha ugu khatarta badan uguna murugsan ee taabanaya nolosha aadanaha. Waana sida uu ahaa hal-ku-dhiga Giriiggii hore: “Dagaalku waa hooyada wax walba.” Marka aad fahanto sida dagaalku u abuurmo, waxaad fahmaysaa sida nabadda loo ilaashado.
Marka dagaalada lagu fiiriyo okiyaale siyaasadeed, ma ahaanayo oo keliya iska horimaad hubaysan oo u dhexeeya ciidan, balse wuxuu isu beddelayaa fal istaraatiijiyadeed oo qoto dheer, oo ay maamusho, dano siyaasadeed iyo go’aan qaadasho xeeladaysan. Waa halkaas meesha ay ka dhalato daraasadda dagaalka oo ah madal cilmiyeed oo lagu falanqeeyo sida dowladuhu uga fekeraan adeegsiga rabshadda, si ay u gaaraan yoolal gaar ah, ama uga fogaadaan marka laga maarmi karo.
Daraasadahan waxay isku xiraan culuum badan sida taariikhda, sayniska siyaasadda, xeeladaha militari, cilmiga-bulshada, juquraafiyadda siyaasadeed, dhaqaalaha, Cilmi-nafsiga iyo falsafadda, iyaga oo isku dayaya in la fahmo fadqalatooyinka iyo sababaha keena. Waxay sidoo kale la tacaalaan caqabadaha cusub ee ka dhasha isbeddelada dagaalada, taasoo ka dhigaysa in daraasadaha dagaalku noqdaan kuwo mar walba isbeddelaya, si ay ula jaanqaadaan xaaladaha cusub ee caalamka.
Daraasaadka dagaalku waxay asal ahaan kasoo farcameen cilmi-baaris la xiriirta difaaca wadamada, taasoo si nidaamsan u bilaabatay qarnigii 20-aad, xilli uu dunida ka socday isbeddel weyn oo ka dhashay waxa ay ugu yeeraan dagaalkii koowaad ee aduunka. Ujeedadu waxay ahayd in si qoto dheer loo fahmo awoodda milatari iyo habka loo dhiso dawlad, iyadoo lagu saleynayo isbeddellada istaraatiijiyadeed, farsamooyinka cusub, iyo wax ka qabashada khataraha soo food saari kara wadamada.