Cali Xaaji Warsame oo mar soo noqday Wasiirka waxbarashads maamulka la baxay Puntland, ayaa sheegay in dalku uusan madax banaaneyn shisheeyana haysto.
Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay shisheeyaha Qaramada Midoobay ugu diiwan gashan tahay wadan halis ku ah amnigooda, taasina ay keentay iney Dowladda Fedaraalka ku qoraan liiska wadamada gumeysiga ay ku joogaan, Xasan Sheekhna aysan u aqoonsaneyn madaxweyne dal ee ay James Swan usoo magacaawdeen, wixii warbixin ah ee ku saabsan dalkana isaga ka dhegeystaan.
Wuxuu kaloo qiray inuusan amnigooda gacanta ugu jirin shisheeyuhuna u maamulaan.