Saturday, June 7, 2025
HomeAll NewsMaxay Salka ku Heysaa Booqashada uu Taliyaha Sirdoonka Xabashida Itoobiya ku Tagay...

Maxay Salka ku Heysaa Booqashada uu Taliyaha Sirdoonka Xabashida Itoobiya ku Tagay Suudaan?[WARBIXIN]

Ilo-wareedyo rasmi ah oo Suudaaniyiin ah ayaa warbaahinta Al-jaziira Net daaha uga qaaday, in agaasimaha sirdoonka Itoobiya ninka lagu magacaabo Ridwaan Xuseen uu Isniintii booqday magaalada Boort Suudaan, oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka dalkaas. Sida ay ilo-wareedyadaan sheegeen, agaasimaha sirdoonka Itoobiya ayaa sitay boorso ay ugu jireen dhawr fayl oo muhiim ah. Booqashadan ayaana loo arkayay isbedel cusub oo ku yimid xiriirka labada dal kadib markii uu muddo hakad ku jiray.

Booqashadan oo ahayd mid aan caadi ahayn, ayaa agaasimaha sirdoonka ee Itoobiya waxa uu dhiggiisa Suudaan, Axmed Ibraahim Mufaddal, kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinaca ammaanka ee labada dal, isla markaana ay is dhaafsadaan xog iyo khibrad si ay ugu adeegaan danahooda guud.

Waxa uu sidoo kale dhambaal uu ka siday, Ra’iisul wasaaraha Xabashida Itoobiya Abii Axmed uu u gudbiyay guddoomiyaha golaha sare ee Suudaan Cabdi Fataax Al-Burhaan, dhanbaalkaas oo aan aad loo ogayn wixii uu daarnaa.

Ra’iisul wasaaraha Xabashida  Itoobiya Abii Axmed ayaa horay u booqday magaalada Boort Suudaan bishii Luulyo sanadkii 2024-ka, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Afrikaan ah uu ku taga dalkaas tan iyo markii uu qarxay dagaalka Suudaan ee u dhexeeya milatariga Suudaan iyo xoogagga Taageerada Degdegga ah bishii Abriil sanadkii 2023-ka.

Ujeeddada koowaad ee socdaalka Abii ayaa ahaa, in uu dhexdhexaadiyo xiisadda u dhaxaysa xukuumadaha Khartuum iyo Abuu-Dabi. Wuxuu ku guuleystay inuu xiriir dhanka taleefoonka ah dhex maro madaxwaynaha Suudaan Cabdi Fataax Al-Burhaan iyo Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zaayid si loo xalliyo khilaafka, balse sida laga soo xigtay hadal uu Al-Burhaan u sheegay wakiilada warbaahinta Suudaan iyo Masar bishii Agoosto ee lasoo dhaafay, wax guul ah lama gaarin.

Si kastaba ha ahaatee, Booqashada Abii Axmad waxay meesha ka saartay teedkii iyo ismari-waagii siyaasadeed ee u dhexeeyay Madaxda Suudaan iyo Itoobiya, Abii Axmed ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo booqashadaasi kadib muujniyay inuu ka danqanaya xaaladda Suudaan ayaa tibaaxay, in Suudaan ay ka cabanayso waxa uu ugu yeeray tafaraaruq dastuuri ah, isgoo ku baaqay, in Suudaan loo diro ciidamo ka socda Bariga Afrika si ay u kala dhex-galaan ciidammada Suudaan iyo maleeshiyaadka Taageerada Degdegga ah, balse codsigaan waxaa si weyn gaashaanka ugu daruuray hoggaanka sare ee Suudaan.

Bishii Nofember ee lasoo dhaafay, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda  ee Suudaan Cali Yuusuf Al-Shariif ayaa booqday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, wuxuuna la kulmay dhiggiisa Itoobiya, ninka lagu magacaabo Qiidyuun Tumwuthiith. Kulunkaas ayaana xiligaasi ku beegmay maalmo kadib markii wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay u yeertay safiirka Suudaan u fadhiya Addis Ababa  ninka lagu magacaabo Az-zeyn Ibraahim, iyadoo ku wargelisay inay kasoo hor-jeedda hadal uu jeediyay Al-Shariif, kaas oo ahaa inuu ku hanjabay dagaal haddii aan la gaarin heshiis dhexmara Suudaan, Masar iyo Itoobiya oo ku saabsan biyaha wabiga Niil.

Halkaan ka Degso Warbixinta Booqashada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.