Saturday, June 7, 2025
HomeAll NewsHowlgal Askari Lagu Dilay Mootana Lagu Furtay oo ka Dhacay Gudaha Degmada...

Howlgal Askari Lagu Dilay Mootana Lagu Furtay oo ka Dhacay Gudaha Degmada Afgooye.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta howlgal qorsheysan ka fuliyeen, gudaha degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose.

Howlgalka ayaa waxaa lala beegsaday askari katirsan Dowladda Fedaraalka, kaas oo xilligii la beegsanayay watay Mooto.

Askariga oo lagu magacaabi jiray Maslax Cabdicasiis Cabdullaahi ayay toogteen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoona ka furtay Mootadii uu watay.

Geesta kale Weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen gobalka Baay.

Weerarka ayay Mujaahidiintu la beegsadeen, guri ay ku sugnaaayeen saraakiil iyo askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed, kaas oo ku yaalla magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaana lasoo warinayaa inuu khasaare ka dhashay weerarkaaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.