Qaar kamid ah ganacsatada dharka iibiya ee suuqa Xamrweyne ee ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa cabanaya, hoos udhac dhaqaale iyo iney yaraadeen dadkii wax ka iibsan lahaa, xilli ay nagu soo food leedahay ciiddul-Adxaa.
Ganacsatadan qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa warrramay arrintan, waxayna sheegeen iney sido kale dhibaato ku hayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka ee lacagaha baadda ah ka qaada.