Axmad Macallin Fiqi oo ah Wadiirka Gaashaadhigga Dowladda Fedaraalka ayaa xalay isagoo ka hadlayay munaasabad uu Muqdisho ku qabsaday maamulka gobolka Banaadir wuxuu ugefay diinta Islaamka, isagoo ku faanay shacab Soomaaliyeed oo ay horay ulaayeen, xilli uu taliyaha sirdoonka Dowladda Fedaraalka ahaa, Muungaabna maxkamad ufadhiyay.
Wuxuu si cad usheegay in isaga iyo Muungaab oo xilligan mar kale loo magacaabay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ay dad badan isla laayeen, islamarkaana uu isagu dadka la leynayo uu ukeeni jiray.
Fiqi ayaa marka uu halkaas hadalka marsiinayo wuxuu ugefay shareecada Islaamka, isagoo Muungaab oo ah ninka aan soo sheegnay ku tilmaamay mid wax ku xukumijiray diinta Islaamka iyo xeerka ciqaabta ee kaasoo horjeeda shareecada oo wadajira, sida uu hadalkiisa udhigay.
Muungaab ayuu sheegay inuu yahay ninkii ugu horreeyay ee isla aqriyay xeerka aan soo tilmaamnay iyo aayado Qur’aan ah, wuxuuna arrinkaasi ku tilmaamay iney tahay shareecada Islaamka, dadka ay laayeenna lagu xukumay.
Falkaas foosha xun ee uu xilligaas ku dhaqaaqay Muungaab ayuu Axmad Macallin Fiqi amaan uga dhigay ninkan ku xad gudbay diinta Islaamka, waana kan isagoo ka warramaya.