Maamulka warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan wuxuu hambalyo ku aadan munaasabadda Ciidul-adxaa u dirayaa dhammaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan dadka ku taxan wararka iyo barnaamijyada idaacadda.
Wuxuu maamulka Al-furqaan boorrinayaa xiriirinta qaraabada siiba maalmaha ciidda iyo in laga war qabo dadka taagta daran, wuxuuna guud ahaan muslimiinta u rajeynayaa inuu Alle dhibka ka qaado sannadkan kiisana ay ku naaloodaan xorriyad iyo horumar Alle idankiis.