Sunday, June 15, 2025
HomeAll NewsJabuuti oo Imaaraatka Carabta ku Eedeysay inuu Dalkeeda ka Wado Gumeysi Dhaqaale.

Jabuuti oo Imaaraatka Carabta ku Eedeysay inuu Dalkeeda ka Wado Gumeysi Dhaqaale.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday xukuumadda Imaaraadka Carabta isagoo ku eedeeyay iney wadankaasi ka waddo gumeysi dhaqaale.

Waxaa wali taagan khilaaf oo sanado kahor soo bilowday oo udhaxeeya dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Jabuuti, salka kana ku haya cidda maamuleysa dekadda Dooraale ee ku yaalla duleedka caasimadda dalkaas ee DJabuuti.

Xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle ayaa 2018-kii diiday iney shirkadda DP-World ee ay iska leedahay dowladda Imaaraadka sii maamusho dekaddan, kadib markii ay buriyeen heshiis 50 sano soconayay oo ay la galeen.

Halkaan ka Degso Warka Jabuuti

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.