Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsCiidamada Kenya oo Dad Shacab ah ku Dhaawacay Gobalka Gaarisa ee Dhulka...

Ciidamada Kenya oo Dad Shacab ah ku Dhaawacay Gobalka Gaarisa ee Dhulka NFD.

Wararka ka imaanaya xerada qaxootiga Ifo ee ku taalla gobalka Gaarisa oo kamid ah dhulka NFD kuna hoos jira gumeysiga Kenya ayaa ku waramaya, in ciidamada Kenya ay si ulakac ah rasaas ugu fureen dadka ku nool halkaas.

Ugu yaraan 4 ruux ayaa la xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay ku dhaawaceen rasaasta ay ku fureen dadka shacabka ah ee ku nool xerada, kuwaas oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya ee gumeysiga ku heysato dhulka NFD, kaas oo ku aaddan xadgudubka ay ciidankeedu u geysteen dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalka Gaarisa.

Tani ayaanan ugub ku aheyn dhulka ay gumeysato Kenya, balse waxa ay marar badan askarta Keenyaanka ah ku kaceen gabdoodfallo kala duwan.

Sidoo kale waxaa jira maleeshiyaad ka amar qaata xukuumadda Nairobi oo dhac iyo dilal ka geysta dhulka ay gumeysato Kenya, kuwaas oo mudooyinkii dambe ay kordheen dhibaatooyinka ay kula kacayaan dadka shacabka ah.

Halkaan ka Degso Warka Gaarisa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.