In kabadan 10 urur oo sheegta inay u doodaan xuquuqda Aadanaha ayaa soo saaray taqriir muujinaya xadiga uu gaarayo hubka uu Faransiisku ugu deeqay maamulka Yahuudda tan iyo markii uu bilowday xasuuqa ka socda Marinka go’adoonsan ee Qazza bishii Oktoobar sanadkii 2023-kii.
Sida lagu sheegay tirakoobkan oo lagu saleynayo xog laga helay wasaaradda maaliyada ee Yahuudda, ayaa lagu xusay in Faransiisku uu Yahuudda ku wareejiyay shixnado waawayn oo hub ah, kuwaas oo la dhoofiyay bilooyinkii u dambeeyay, Shixnadahaas ayaana isugu jiray hub culus iyo kuwo fudud, waxaana kamid ahaa gantaalada lidka taangiyada, qoryaha darandooriga u dhaca, madaafiicda goobta iyo agab kale oo ciidan.
Tirakoobkan ayaa shaaca ka qaaday, in tirada qalabka milatari ee uu Faransiisku u diray maamulka Yahuudda labadii sano ee lasoo dhaafay uu qiimo ahaan gaarayo in ka badan 15 Milyan oo Doollar, taas oo ah xadigii ugu badnaa oo ay diwaan galiyaan hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda Aadanaha, macluumaadkan ayaana daaha ka rogaya in wadamada Yurub ay qayb lixaad leh ka qaadanayaan jariimooyinka bahalnimada ah ee ay Yahuuddu ka wado Marinka Qazza.
Xogtan ayaa sidoo kale tilmaamtay, kaalinta uu Mareykanku ku leeyahay taageerada hubka ee Yahuudda, iyadoo la xaqiijiyay in qaar kamida garoomada ugu waawayn ee Faransiiiska laga dhoofiyay diyaaradaha dagaalka ee F-35 ee uu Maraykanku farsameeyo. Dhinaca kale, todobaadkii lasoo dhaafay, shaqaalaha dekedda Marsiille-Foos ee ku taalla koonfurta Faransiiska ayaa diiday in ay raraan hub culus oo ku wajahnaa kayyaanka Yahuudda, kaas oo qayb ka ahaa saanada milatari ee uu Faransiisku u diro Yahuudda maalin kasta.
Dawladaha reer galbeedka ayaana u kala harin garab istaaga ay u muujinayaan Yahuudda iyo ka qayb qaadashada xasuuqa Qazza, kuwaas oo taageero nooc walba leh siiya maamulka Sahaayinada. Waxaana intaas sii dheer dawladaha carabta oo aalaaba bixiya qarashaadka ku baxa inta badan hubka ay Yahuuddu u adeegsato dagaalka ay kaga jirto Qazza.