Dawladda Jarmalka ayaa dib u bilowday soo celinta shuruuc adag oo lagu askaraynayo dadka shacabka ah, kaddib markii uu baaq culus jeediyay Janaraal sare oo ka tirsan ciidamada NATO, gaar ahaan qeybta horumarinta istaraatiijiyadeed ee Mareykanka.
Janaraalkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, in baahida loo qabo ciidan dheeraad ah oo qayb ka noqda askarta wadanka Jarmalka ay haatan gaartay heerkii ugu sareeyay, taas oo tirada askarta loo baahan yahay ka dhigaysa ugu yaraan Lixdan Kun oo askari. Wuxuuna sheegay, mas’uulkan in ciidamadaas aysan ku imaan karin nidaamka haatan u dagsan Jarmalka ee ku saleysan iskaa wax u qabso.
“Waa in aan bilownaa hadda, dib u dhiggu wuxuu khatar gelinayaa awooddeena milatari iyo ballanqaadyadii NATO,” ayuu yiri Janaraalkan, isaga oo si cad u sheegaya, in nidaamka askaraynta ee dawladaha reer galbeedku uu yahay mid fashil ah oo aan damaanad qaadi Karin amniga wadamadaas.
Waxaa xusid mudan in Jarmalku uu joojiyay adeegga milatari ee khasabka ah sanadkii 2011-ka, kaddib 55 sano oo uu socday, isla markaana la burburiyay dhammaan xarumihii iyo kaabeyaashii loogu talagalay. Si kastaba ha ahaatee, mas’uulkan ka tirsan ciidamada NATO ayaa ku war galiyay dawladda Jarmalka in dib loo dayac tiro xeryihii hore ee ciidamada lagu askarayn jiray, isla markaana laga faa’iidaysto, iyada oo maalgashadeyaal gaar ah lagu wareejinayo, halka laamaha dawladda ee ku guda jira shaqadana ay kireysanayaan.
Fikirka dib u soo celinta nidaamka askaraynta khasabka ah, ayaa mudooyinkii u dambeeyay guux badan ka dhex dhaliyay dalka Jarmalka, taas oo ay kabiyo diideen dad badan oo kasoo jeeda dalkaas, arintan ayaana timi xilli uu sare u kacay walaaca dhinaca amniga ee ka jira guud ahaan qaaradda Yurub, gaar ahaan dagaalka Yurkayn iyo is-ballaarinta ay wadaan militariga Ruushka.