Iyadoo uu dagaal xagga dhaqaalaha iyo diblimaasiyadda ah uu ka dhaxeeyo Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka, ayaa waxaa geesta kale isa soo taraya dadka Ameerikaanka ah ee walaaca ka muujinaya in Shiinuhu uu kaga guuleysto hardankaan dhexdooda ah.
Wargeyska Washington Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa daabacay warbixin uu ku sheegayo, in shaqsiyaad Shiinees ah ay dalka Mareykanka soo galiyeen cunsur bayooloji oo khatar ah, xilli uu sii kordhayo dagaalka xagga sirdoonka ah ah ee u dhexeeya labadaan dal.