Saturday, June 14, 2025
HomeAll NewsAskar Lagu Dilay Qaraxyo ka Dhacay Duleedyada Muqdisho iyo Cadale.

Askar Lagu Dilay Qaraxyo ka Dhacay Duleedyada Muqdisho iyo Cadale.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa caawa iyo galabta waxa ay weeraro qaraxyo ah ah ka fuliyeen duleedyada magaalooyinka Muqdisho iyo Cadale oo Sh-dhexe katirsan, kuwaas oo ay la beegsadeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Haddaan ku horeyno duleedka magaalada Muqdisho, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab caawa qarax ka fuliyeen halka loo yaqaanno Tabeellaha Sh-Ibraahim ee duleedka caasimadda.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka gaar ahaan kuwa loo yaqaanno Boolis Militaaro ayaa lagu dilay qaraxaan, halka lagu dhaawacay mid kale.

Geesta kale guutooyinka qaraxyada ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay galabta weerar qarax ah la beegsadeen, gaari Cabdi-bile ah oo ay la socdeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Qaraxa ayaa si gaar ah kaga dhacay duleedka degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe, waxaana lagu dilay 3 askari, halka lagu burburiyay gaarigii ay wateen askartaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.