Marba marka ka dambeysa waxaa isa soo taraya wararka la xiriira weerarka culus ee uu maamulka Yahuudda ku qaaday magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan, kaas oo geystay khasaare xooggan oo naf iyo maalba leh.
Waxaa gabi ahaanba joogsaday duulimaadyadii ka bixi jiray guud ahaan dalka Iiraan iyo dhulka uu xoogga ku heysto maamulka Yahuudda oo ay ugu horreyso magaalada Tel-Aviv, sababo ku aaddan weerarka culus ee uu Kayaanka Suhyuuniga ah ku qaaday magaalada Tehran.
Telefishinka rasmiga ah ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ayaa shaaca ka qaaday, in ugu yaraan 50 ruux oo rayid ah kuna jiraan 35 caruur iyo haween ah ay ku dhaawacmeen, duqeymaha uu maamulka Yahuudda ka fuliyay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan.
Sidoo kale waxa uu Telefishinku xaqiijiyay, in duqeymaha uu maamulka Yahuudda ka fuliyay magaalada Tehran lagu dilay, Maxamed Baaghari oo ahaa taliyaha guud ee ciidamada Iiraan, inkastoo mid kamid ah wakaaladaha wararka ee taabacsan nidaamka Shiiciga ah ay beenisay dilka masuulkaas.
Masuuliyiinta laga dilay xukuumadda Shiinacada ah ee Iiraan waxaa kamid ah, Xuseyn Salaami oo ahaa taliyihii ciidamada Kacaanka ee Iiraan, kaas oo ay dilkiisu xaqiijisay xukuumadda Tehran.
Axmed Ridaa oo isana ahaa khabiirkii farsamada Nukliyeerka Iiraan ayaa kamid noqday, masuuliyiinta xukuumadda Shiicada ah ee Tehran looga dilay weerarka uu maamulka Yahuudda ku qaaday nidaamka Shiiciga ah.
Masuuliyiinta sarsare ee xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan looga dilay weerarka ayaa waxaa ay illaa iyo iminka gaarayaan 10 masuul, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiishii ugu sarreysay ee ciidanka iyo kuwa qaabilsan hubka Nukliyeerka, halka ay jiraan kuwa kale oo aan wali la xaqiijin masiirkooda.
Maamulka Yahuudda ayaa waxa uu dhankiisa sheegay, in xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ay kusoo weerartay 100 diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaanno Drones-ka, isagoo intaa ku daray iney soo rideen badi diyaaradahaas.
Kayaanka Suhyuuniga ah ayaa waxa uu sidoo kale sheegay, in weerarka uu ku qaaday xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan aysan u adeegsan oo kaliya duqeymo xagga cirka ah, balse ay jiraan farsamooyin kale, walow uusan shaacin waxa uu ula jeedo hadalkaas iyo nuuca waxyaabaha kale ee ay u adeegsadeen weerarka.
Daqiiqadba daqiiqadda ka dambeysa waxaa soo baxaya warar horleh oo la xiriira khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay, weerarkaan culus ee uu maamulka Yahuudda ku qaaday caasimadda xukuumadda Shiicada ah ee Tehran.