Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay, in la joojiyo tarxiilidda dadka soogalootiga ah ee ka shaqeeya beeraha, hoteellada, iyo maqaayadaha, kadib markii uu aqoonsaday, in tallaaboyinkaas ay saameyn ku yeelatay dhaqaalaha maxalliga ah ee Mareykanka.
Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay, in siyaasadihiisii hore ay sababeen in la tarxiilo shaqaale ku wanaagsanaa dhinaca beeraha, isaga oo raaciyay, in isbeddel ku aaddan arintaas uu socda, uuna dib-u-habeyn ballaaran ku samayn doona istiraatiijiyadda socdaalka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya, in wasiirka beeraha ee Mareykanka uu ku cadaadiyay Trump inuu ka laabto tarxiiladda ajaanibta ka shaqeyso beeraha kadib markii ay arintaasi saamaysay ku yeelatay wax-soo saarka gudaha ee dalkaas.
Shacabka Ameerikaanka ah ayaa cabsi ka qabo inuu Donald Trump gacantiisa ku burburiya waddanka Mareykanka, maadaama uu yahay nin ganacsade ah oo aan wax badan kala soconin siyaadda.